Sunday, January 21st, 2018

Mareykanka: “Waxaan Dilnay 2 Katirsan Dagaal-yahanada Al-shabaab Oo aan Doon Dooneynay”

War kasoo baxay Taliska Ciidamada gaarka ee Mareykanka Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM), ayaa waxaa lagu sheegay in weerar dhanka cirka ah oo diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose, qasaare lagu gaarsiiyay Dagaal-yahano katirsan Xarakada Al-shabaab.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntaa ay ka dhacday deegaank 50km dhanka Galbeedka ka xiga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,waxaana war ka soo baxay Ciidamada Mareynkanka lagu xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay laba dagaal-yahan oo aad loo baadi goobayay.

Saraakiisha Ciidamada Mareynkanka ee Africom ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro Urur weynaha Al-qaacida qeybtiisa Soomaaliya Al-Shabaab oo qatar ku ah nabad galyada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dhinaca kale, Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan duuliyaha laheen ay ka geystaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2018, taasi oo ay fuliyaan Diyaaraha Mareykanka.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..