Sunday, January 21st, 2018

Dowladda Soomaaliya oo Xil Muhiim Ah ka Raadineysa Urur Goboleedka IGAD

Dowladda Soomaaliya ayaa xil sare ka raadineysa Urur Goboleedka IGAD iyada oo xubin hore oo soo noqday Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya u magacaabatay in uu xilkaas qabto.

Dowlada ayaa waxey xusul duub adag uga jirtaa in Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar uu u noqdo xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay Waddamada bixiya qaaraanka Ururka IGAD,hayeeshee sidii Ururkaas loo aas aasay 1986-dii wax xil sare ah kama qaban, balse hada ayey dooneysaa iney xilkeedii ka hesho.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar Haddii uu xilkan qabto waxaa ay noqoneysaa markii ugu horreysay oo uu qof Soomaaliya ah jago sare ka qabto Urur Goboleedka IGAD.

Dalalka aan xil ka qaban IGAD waxaa ay kala yihiin Jabuuti oo Xarunta IGAD ah,Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan oo Ururka Xubin ka ah hayeeshee xornimadaba qaadatay 2011kii.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..