Sunday, January 21st, 2018

Tiger Zinda Hai ganacsigiisa arbacada labaad waxaa samaayeen rabashada gobolka Maharashtra ka dhaceen

Mega Star Salman Khan iyo Katrina Kaif filimkooda Tiger Zinda Hai shalay ganacsigiisa waxaa saameyn ku yeeshay rabashado si guud kaga jireen gobolka muhiimka u ah Bollywood-ka Maharashtra.

Dhamaan gobolka Maharashtra oo ay Mumbai ugu mug weyn tahay rabshado ayaa ka jireen taasi oo sababtay in dadka soo aadi waayeen tiyaatarada Multiplex ee daqliga badan laga helo midaasna waxay sababtay in ganacsiga TZH gobolkaas 60% ilaa 70% hoos u dhacaan waxaana halkaas kaga luntay filimkaan shalay 1 Crore ilaa 2 Crore ganacsi ku dhow.

Rabshadaha Maharashtra ka dhacay waa kuwo dhaqan iyo kala duwanaansha dadka gobolkaan ku nool u dhaxeeyo waxayna kusoo beegmeen xili dabaal dagyo 200 sano qowmiyado gobolkaan ku nool dhiganayeen kuwo kale kasoo horjeedeen dabaal dagyadan waxayna rabashadahan sababeen dhaawacyo, dhimasho, isku socodka bulshada inuu istaago.

TZH arbacadiisa labaad wuxuu keenay 5.75 Crore (Qiyaasta xili hore) sida shabakada Boxoffice India soo daabacday waana ganacsi fiican wuuna is celiyay filimkaan balse hadii Maharashtra rabshada ka jiri laheyn ganacsigiisa dhabta ah wuxuu noqon lahaa 6.75 Crore ilaa 7 Crore.

Saameynta rabshadihii shalay Maharashtra waxaa laga fahmi karaa in gobolkaan ganacsi ahaan TZH hoos u dhacay 60% ilaa 70% halka Waqooyiga Hindiya uu 5% hoos u dhacay ayadoo maalin shaqo tahay waayo halkaas wax carqalad ah kama jirin xaalad ahaan.

TZH mudo 13-maalmood wuxuu soo xareeyay 285 Crore waana lacag aad u fara badan waxaana la eegi doonaa hadii maanta markale Maharashtra xaaladiisa caadi kusoo laaban doonto ama jawiga sii kacsanaan doono.

Fadlan hoos kaga bogo TZH mudo 13-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday qiyaasta xili hore:

Todobaadka kowaad – 206.04 Crore (Rasmi)

Jimco labaad – 11.50 Crore (Qiyaas)

Sabti labaad – 15 Crore (Qiyaas)

Axad labaad – 21.75 Crore (Qiyaas)

Isniin labaad – 17 Crore (Qiyaas)

Talaado labaad-7.50 Crore (Qiyaas)

Arbaco labaad – 5.75 Crore (Qiyaasta xili hore)

Todobaadka labaad – 80 Crore (Mudo 6-maalmood)

Wadarta Guud – 285.54 Crore (Trade Figure) (Qiyaas ahaan)

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..