Sunday, January 21st, 2018

21-sano kadib Suniel Shetty oo sameyn doono Bhai 2 iyo labo atoore oo dhalinyar kala soo muuqan doonaan

21-sano ka hor Bollywood Action Hero Aka Suniel Shetty wuxuu dadka kaga yaabsaday guul wacana u gaaray filimkiisii Action-ka iyo qiirada walaaltinimo lahaa Bhai.

Haatan Deepak Shivdasani wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyay in Suniel Shetty doorkiisii Bhai dib loo amba qaadi doono lana sameyn doono Bhai 2.

Horey ayay shabakada Filimside idin kula wadaagtay in Bhai 2 la sameyn doono haatana Director Deepak Shivdasani, qorista sheekada filimkaan ayuu dhameeyay dhawaana duubistiisa ayaa bilaaban doonto.

Director Deepak Shivdasani wuxuu yiri “Suniel Shetty door aan horey loogu arag ayuu la imaan doonaa awood ahaan iyo karti ahaan weliba 21-sano ka hor halkii Bhai ku dhamaaday ayaan Bhai 2 ka amba qaadi doonaa”

“Burcada iyo tuugadii Bhai kuwo ka awood badan ayaan Bhai 2 kusoo bandhigi doonaa si la mid ah Suniel noloshiisa hore iyo 21-sano kadib awooda uu soo yeeshay ayaan isku xiri doonaa”

“Xiligaan casriga ah hantida iyo awooda sida loogu tartamo gudaha Hindiya ayaan Bhai 2 kusoo bandhigi doonaan waxaana udub dhexaad u noqon doono Suniel oo ka helay qoraalka kowaad sheekada markaan la wadaagay”

Director Deepak Shivdasani oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Labo wiil oo dhalinyar ayaan Bhai 2 kusoo dari doonaa, waayo qaybta kowaad Suniel wiil ayaa u joogay mid ka mid ah labada atoore aan kusoo dari doono wuxuu matali doonaa Suniel wiilkiis, sidoo kalena qaar ka mid ah jilaayaashii Bhai qayb ayay ka ahaan doonaan Bhai 2”

F.G: Kaartada Sare Suniel Shetty Ka Muuqdo Ma Ahan Mid Xaqiiqo Waa Mid Ay Sameeyeen Taageerayaasha Uu Baraha Bulshada Ku Leeyahay, Sidaa Darteed Yaan Loo Qaadan Inay Tahay Aragtida Kowaad Filimka Bhai 2.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..