Sunday, January 21st, 2018

BOI oo gacan taagtay TZH wuxuu noqon doonaa Salman filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo!

Shabakada Boxoffice India ayaa caawo gacan ka taagtay xawaaraha uu filimka Tiger Zinda Hai ku socdo madaama Talaadadiisa labaad hoos u dhac weyn uusan sameynin.

BOI waxay ku dhawaaqday ama si adag u qiyaasee in TZH uu noqon doono Mega Star Salman Khan filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo gudaha Hindiya lacagaha nadiifka ah.

TZH si sahlan ayuu 300 Crore ku gaari doonaa sidoo kalena waxay u badan tahay qayaasta adag in TZH uu ka talaabsan doono Bajrangi Bhaijaan oo 316 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyay sidoo kalena ah Salman filimkiisa lacagaha ugu badan ebid soo xareeyay.

TZH sida uu hada ku socdo marka laga cabir qaato wuxuu Bajrangi Bhaijaan dhaafi doonaa todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ee ugu horeyso ganacsiga uu sameeyo qiyaas ahaan Isniinta dambe TZH wuu noqon doonaa Salman filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo.

TZH si adag ayuu isku celiyay Taladaadiisa labaad ama maalintiisa 12-aad wuxuuna keenay 7 Crore qiyaasta xili hore wuxuuna sameeyay 40% hoos u dhac ah marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii labaad ganacsiga u sameeyay.

TZH tijaabadii ugu adkeyd wuu ka gudbay marba hadii maalin shaqo uu ganacsi wacan sameeyay waxaana muuqato in filimkaan tiyaatarada sii heysan doono ilaa 26 Jan 2018 markaas oo filimka Padman ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay goobta loo baneyn doono.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 12-maalmood ah TZH ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday qayaasta xili hore:

Todobaadka kowaad – 206.04 Crore (Rasmi)

Jimco labaad – 11.50 Crore (Qiyaas)

Sabti labaad – 15 Crore (Qiyaas)

Axad labaad – 21.75 Crore (Qiyaas)

Isniin labaad – 17 Crore (Qiyaas)

Talaado labaad – 7 Crore (Qiyaasta xili hore)

Todobaadka labaad – 73.50 Crore (Mudo 5-maalmood)

Wadarta Guud – 279.54 Crore (Trade Figure) (Qiyaas ahaan)

Sida muuqato todobaadkiisa labaad TZH wuxuu keeni doonaa 84 Crore ilaa 85 Crore waana ganacsi heer sare ah sidoo kalena muujinaayo in filimkaan todobaadkiisa sedexaad ganacsigiisa sii socon doono

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..