Sunday, January 21st, 2018

Hritik Roshan Iyo Kareena Kapoor Khan Xiriirki Dhexmaray Iyo Sidu Ku Dhamaaday (Lamaane La Isugu Talo Galay Aye Ahaayen)

Hritik Roshan iyo Kareena Kapoor waxay kamid ahaayen lamaanayasha shaashadla isugu jecelyahay sido kalena aad isugu nuurayen.

Caruur la isku daayo lana dhaho isla bood booda waqtigana isla qaato ceebta ka dhalan karto lama qiyaasi karo.

Hrithik Roshan asigoo dhalin yar ayuu masuuliyad qaaday wuxuuna guursaday Sussanne Khan oo gurig u joogtay laakiin wiilkaan waxaa dhex qaaday gabadha fudeedka, kaftankeeda iyo qosolkeeda xad dhaafka ah yahay Kareena Kapoor.

Bilawgii qarnigaan isla shaqeyntii waalida ahayd ee Hrithik iyo Kareena ka dhaxeesay xiriir qarsoon oo hadal xoogan abuuray ayaa ka dhex dhashay.

Image result for Hrithik Roshan Iyo Kareena Kapoor:

Jaceylka labadaan jilaa ma hano qaadin madaama Hrithik ogaaday inuusan xaaskiisa Sussanne Khan meel kaga tagi karin sidoo kalena aabihiis Rakesh Roshan ayaa u sheegay wiilkaan dhalanteeda uu dhexda kaga jiro inuu ka baxo!

Kareena iyadana reerkeeda ayaa la hadleen waxaana loo sheegay inay qeyrkeeda raadsato weliba mid xaas laheyn oo sharafkeeda ku dhowrsanaan karo, sheekadana sidaas ayay ku dantay.

Laakiin Kareena iyo Hrithik waxay sii mareysaa in ka badan 14-sano inaysan isla shaqeynin ama wax filim ah isla keenin.

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..