Sunday, January 21st, 2018

Keerthy Suresh”Waxaan Taagero Rasmi Ah U Ahay Super Star Suriya Ilaa Yaraanteyda”

Keerthy Suresh waa atirisho koonfur India ah sido kalena kasoo muuqata aflaamta sida Tamil, Telugu iyo Malayalam, xidigtaan hader waxay kumashquulsantahay xayeysiin usameynta filmkeeda xiga ee Thaanaa Serndha Koottam.

Thaanaa Serndha Koottam  waxaa wada hogaaminayaan Super Star Suriya iyo Keerth Suresh waxaana la daawan doona sanadkaan 2018.

Hadaba xidigtaan oo wareysi bixineysay waxay sheegtay in ay si waali ah u taagerot Suriya waxayna tiri,” waxaan si xad dhaaf ah u taagera Suriya waxaana taageri jiray ilaa waagi an iskuulka dhigan jira.”

“Hooyadey waxay lasoo shaqeysay Suriya aabihiisa maadama ay sedex film iskala soo shaqeyeen ana hooyadey waxaan kudhihi jira Suriya ayaan la shaqeyn doona maanta riyadeyda way ii rumowday maadama qofka taageri jiray shaashada kala soo muuqanaya.”

“Suriya waa qof wanaagsan oo aan hadal badneyn balse hadii aan wax weydisto si deg deg ah ayu igu caawiya aadbaan ola dhacay dabecadisa.”

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..