Sunday, January 21st, 2018

Katrina Kaif Oo Ka Hadashay Filmka Shah Rukh Khan Nin Gaaban Ku Jilaya Ee Zero!!

Katrina Kaif ayaa waqti aad u macaan ku dhexjirta maadama filmkeeda Tiger Zinda Hai Box-office-ka awood ku qabsaday sido kalena ganacsi taariikh ah sameynaya.

Katrina sanadkii hore 2017 hadee TZH awood ahaan Bollywoodka ugu qabsatay sido kale sanadkaan 2018 howsheda ma yara maadama film heer sare ah asna ay la imaan doonto kaaso ah Zero.

Zero waa film uu SRK nin gaaban ku jilaayo waxaana la daawan doona ciida masiixiga waxaana atirishooyin ka ah Katrina Kaif iyo Anushka Sharma Kohli.

Katrina oo ka hadleysa filmkaan waxay tiri,” Duubista filmkaan si wanaagsan ayee u socotaa ana aad baan ugu faraxsanahay maadama an dad shaqadooda an la dhacsanahay la shaqeynaayo.”

“Atoorayasha sida Shah Rukh Khan oo kale ah la shaqeyntooda inaba caadi ma aha oo waad la dhaceysaa taasi waxa kasii daran mudane Anand L Rai oo ah shaqsi jilaa ahaan kuu caawinaya waana filmsameye cajiib ah aadbana oga helay la shaqeyntisa.”

Katrina filmkaan door muhiim ah ayee kuleedahay inkastoo kaliged aysan atirisho ka aheyn hadana waxaa macquul ah inee ka door weynaato Anushka oo Katrina door weynaato

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..