Sunday, January 21st, 2018

Shruti Sheth “Bollywoodka 50 Sano Ayee Ku Qaadaneysa Inee Ka Hadlaan Dhibaato Jismiyeedka Dumarka Lagu Hayo”

Shirkada ugu weyn aflaamta aduunka Hollywoodka ayaa dhowaan ka hadleen arinka ah dhibaato jismiyedka dumarka lagu kaco (Sexual Harassment).

Waa anshax xumo lagula kaco dumarka qaasatan waxaa sidaa loola dhaqmaa goobaha shaqada iyo wixii lamid ah ayadoo gabadhii si qasab ah jirkeda lagu taabanayo ama si anshax xumo ah loola dhaqmaayo, hadaba Hollywoodka ayaa mudo 25 ku dhowaad arinkan ka aamusnayen ugu dambeyna ka hadleen ayagoo Group 300 qof ka kooban isuguna jiraan jilayaal, qoraayaal, Filmsameyaal.

Hadaba Atirishada sido kalena Tv-yada ka shaqeysa Shruti Seth ayaa maanta baraha bulshada hadal dhiiro galin soo dhigtay ayado tiri,”Hollywoodka 25 kudhowaad ayee ku qaadatay inee ka hadlaan dhibaato jismiyedka lagu hayo dumarka.”

“Sidaa awged Bollywoodka qayaas ahaan 50 sano ayee ku qaadan doontaa inee arinkaan ka hadlaan waayo Hollywoodka ayeeba mudadaas ku qaadatay marka Bollywoodka labo jibaar mudadaas ayee ku qaadane.”

Gabadhan kartida badan waxay guubaabin baaq ah u dirtay Bollywoodka waan arki doona xidigaha ka falcelin doona hadalka Shruti Seth.

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..