Sunday, January 21st, 2018

Day 12 Update: TZH oo si fiican isku celinaayo xili uu maalintiisa 12-aad ku guda jiro

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tiger Zinda Hai si fiican ayuu isku celinaa maalintiisa 12-aad ama Talaaadadiisa labaad xil fasaxyadii ay dhamaadeen.

TZH tijaabada maanta hortiilay si heer sare ah ayuu kaga gudbay madaama uu 10% hoos u dhac sameeyay marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii labaad sida uu ku furmay waayo sabti, axad iyo isniin labaad maalmo nasiino iyo fasax ayay ahaayeen.

TZH maanta subaxdii hore sida uu ku furmay, duhurkii heerka uu gaaray iyo caawo fiidkii meesha uu maraayo oo lala bar bar dhigay sida uu Jimcadii hore ku socday hoos kaga bogo:

Maanta Subaxdii Hore – 18%-19% (Jimcadiisii labaad wuxuu ku furmay 21%)

Maanta Duhurkii – 30% (Jimcadiisii labaad duhurkiisa wuxuu gaaray 32%)

Caawo Fiidkii – 45% (Jimcadiisii labaad fiidkeeda wuxuu gaaray 48%)

TZH Jimcadiisii labaad wuxuu keenay 11.50 Crore (Trade Figure) sidaa darteed maanta oo ah Talaadadiisa labaad qiyaas ahaan wuxuu keeni doonaa 8 Crore ilaa 9.50 Crore lacago ah waana ganacsi adag oo muujinaayo filimkaan xawaare sare weli ku socdo xitaa hadii fasaxyadii soo idlaadeen.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..