Sunday, January 21st, 2018

Race 3, TOH, YPD3, Padmavati Veere Di Wedding iyo filimada labo jilaa ka badan kasoo wada muuqan doonaan 2018 la daawan doono

2017 waan kasoo gudubnay waxaana haatan soo galnay 2018 oo ah sanad kale oo ay Bollywood-ka rajo ka qabaan in aflaantooda ganacsi wacan sameeyaan.

Si gaar ah waxaan idiin heynaa filimada awoodaha badan lagu mideeyay rajana laga qabo inay 2018 guulo waa weyn gaari karaan waana mashaariic la wada sugaayo.

Filimadaan waxay ka siman yihiin in labo jilaa iyo ka badan midkiida ay ku midoobeen kana soo wada muuqan doonaan waana aflaan si gaar ah loo xiisanayo jilaayaasha faraha badan la isugu keenay sida ay shaashada u qeybsan karaan:

Padman (26 Jan 2018) waxaa wada jilayaan Akshay Kumar, Radhika Apte iyo Sonam Kapoor

Padmavati (2018) waxaa wada jilayaan Deepika Padukone, Shahid Kapoor iyo Ranveer Singh

Yamla Pagla Deewane 3 (2 Apr 2018) waxaa wada jilayaan Dharmendra, Sunny Deol iyo Bobby Deol

Veere Di Wedding (21 May 2018) waxaa wada jilayaan Kareena Kapoor Khan, Sonam Kapoor iyo Swara Bhasker.

Race 3 (15 June 2018) waxaa wada jilayaan Salman Khan, Anil Kapoor, Bobby Deol, Jacqueline Fernandez, Diasy Shah iyo kuwo kale.

Fanne Khan (15 June 2018) waxaa wada jilayaan Anil Kapoor, Aishwarya Rai Bachchan iyo Rajkumar Rao.

Thugs of Hinduston (7 Nov 2018) waxaa wada jilayaan Amitabh Bachchan, Aamir Khan, Katrina Kaif iyo Fatima Sana Shaikh

Total Dhamaal (7 December 2018) waxaa wada jilayaan Anil Kapoor, Madhuri Dixit, Ajay Devgn, Arshad Warsi, Retiesh Deshmukh iyo kuwo kale.

Zero (21 December 2018) waxaa wada jilayaan Shah Rukh Khan, Katrina Kaif iyo Anushka Sharma.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..