Sunday, January 21st, 2018

Ranveer Iyo Deepika Padukone Oo Sri Lank Faraanti Isugu Galin Doonan (Arooskana Waa Kusoo Xigaa)

Deepika Padukone iyo Ranveer Singh ayaa waqti ku qaadanayaan Sri Lank sidan horey idiin kugu sheegnayba, Ranveer halkaas waxu u tagay shaqo qaas ah halka Deepika kadaba timi si ay halkaas ugu dabaal dagaan sanadka cusub.

Hadaba wararka waxay ku dareen in sido kale Deepika inee xaflada dhalashadeda halkaas ugu dabaal dagi doonto iyadoo waqti wacan la qaadaneysa saaxiibked.

Xanta ma yara waxaa la isla dhexmara lamaanahan Bollywoodka caanka ah inee is guursan doonan dhawan sido kale dad Sri Lank kusugan ayaa aqbaarad xan ah soo dirayaan ayagoo leh in xidigahan goobtas faraanti ama fargal isugu galin doonan ayagoo doonayan inee is alkuntaan.

Wararkan xanta ah hadee xaqiiq noqdaan jamaahiirta xidigahan dabaal dag weyn ayee sameyn doonan maadama Ranveer iyo Deepika kamid yihiin lamaanayasha ugu caansan Bollywoodka taariikh ahaan soo maraan.

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..