Sunday, January 21st, 2018

Akhriso Beesha Murusade oo laga xaal mariyey khalad ay ka sheegteen Beelaha H/Gidir & Abgaal

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Murusade oo ka mida beelaha waaweyn ee Hawiye ayaa laga xaal mariyey cabasho ay ka gudbiyeen labada beelood ee H/Gidir iyo Abgaal, tasoo ka danbeysay Falkii lagu weeraray Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Labada beelood ee H/Gidir iyo Abgaal ayaa isku koobay u doodista siyaasiga iyo olole ay nabadoonoo uu hoggaamiyo Imaam Maxamed Yuusuf u qaadeen sidii dowladda Soomaaliya u sii deyn lahayd siyaasiga.

Odayaasha & Waxgaradka beesha Murusade ayaa Imaam Maxamed Yuusuf gaarsiiyay dacwad ku saabsan in labada beelood gooni ula baxeen arrin ay ahayd mid ka wada dhaxeysa beesha Hawiye oo dhan oo ay ka dhigaan mid Hiraab quseysa, iyagoo su’aal la keenay sidii ay odayaasha labada beelood arrinta u maareeyeen.

Beesha Murusade ayaa dhinaceeda xaal ka bixisay inay kasoo xaadirin dhibaatadii ka dhacday Guriga C/raxmaan Shakuur iyagoo xil iyo xaal ka bixiyey arrintaas, waxaana halkaasi lagu gaaray muwaafaqo.

Kulan Muqdisho ka dhacay ayaa la sheegay in Imaam Maxamed Yuusuf iyo odayaasha kale ay bixiyeen raaligelin ku saabsan cabashada sidii loo maareeyay arrinta ka dhacday Guriga C/raxmaan C/shakuur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Akhriso Beesha Murusade oo laga xaal mariyey khalad ay ka sheegteen Beelaha H/Gidir & Abgaal appeared first on Caasimada Online.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..