Sunday, January 21st, 2018

Faah-faahin:-Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in duhurnimadii maanta ay duqeyn ka dhacday deegaan ku dhow degmada Ow-Dheegle ee gobolkaaas.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka diyaaradaha wax duqeeya ayaa Gantaal ku dhuftay gaariga pp aan la sheegin noociisa kaasoo marayay deegaan lagu magacaabo Shan Garre oo  qiyaastii 3km u jirta Ow-Dheegle.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaan hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in dhammaan dadkii saarnaa gaariga ay ku dhinteen duqeynta.

Dhanka kale Lama oga duqeyntan cidda ka dambeysay.

Dowladda Maraykanka ayaa hore u sheegtay inay kordhinayso duqeynta ay ka geysanayo dalka Soomaaliya,gaar ahaan saldhigyadda Al-shabaab ee Daacish.

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaaliya,xili sanadkii hore ee 2017-kii ay Soomaliya ka fuliyeen in ka badan 30-duqeyn.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..