Sunday, January 21st, 2018

Galmudug oo Amaro Kusoo Rogtay Shirkadaha Diyaaradaha Qaadka

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa sheegtay in ay soo rogtay amar ay isku diiwaan gelinayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan sida midka Badda,kan Cirka iyo midka dhulkaba.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Galmudug Saciid Siyaad Shirwac oo wariyayaasha maanta kula hadlay magaaladda Cadaado ayaa sheegay in laga billaabo 10-ka bishaan ay deegaannada Galmudug ka bilaabaneyso diiwaan gelinta gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Waxa uu sheegay in 7 maalmood gudahood ay isku diiwaan geliyaan Shirkadaha diyaaradaha ka howlgala deeganadda maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Kiilada Qaadka ah ay canshuurayaan lacag dhan $2.5 doollar.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in maalintaas wixii ka dambeeya aysan diyaarad fasax la’aan ka dagi karin Garoomadaha diyaaradaha maamulka Galmudug.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..