Sunday, January 21st, 2018

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wafdigiisa oo Gaaray Degmadda Balad-xaawo

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo ay wehlinayaan Xildhibaano iyo Taliyaha laanta socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa isniintii shalay gaaray Magaalada Doolow oo ku taala xadka Soomaaliya iyo kenya, waxaana si weyn u soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo shacabka.

Wafdiga ka socday dowladda Soomaliya ayaa Warbixin ka dhageystay Maamulka degmada Doolow ee Jubba-land oo kaga warbixiyay Xaalada guud ah ee degmada, arimaha amniga iyo socdaalka.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta la socotay ayaa safarkoodii Doolow kadib tagay magaalada Beled Xaawo oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo u kuur galay muranka ka taagan Beledxaawo oo la sheegay in ciidamada Kenya ay ka dhisayaan darbi, waxayna kulamo la qaateen Maamulka iyo shacabka.

Wafdiga ayaa maanta lagu wadaa in ay  dib ugu soo laabtaan Magaladda muqdisho ee caasimadda Soomaliya islamarkaana ay ka warbixiyaan waxyaabihii ay kusoo arkeyn xuduudka Soomaliya iyo Kenya u dhaxeeya.

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..