Sunday, January 21st, 2018

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya iyo Mas’uuliyiin Kale oo Gaaray Magaalada Doolow+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa oo ay wehlinayaan Xildhibaano iyo Taliyaha laanta socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa maanta gaaray Magaalada Doolow oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana si weyn u soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo shacabka.

Wafdiga ayaa Warbixin ka dhageystay Maamulka degmada Doolow oo kaga warbixiyay Xaalada guud ah ee degmada, arimaha amniga iyo socdaalka.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta la socota waxaa lagu wadaa inay sidoo kale tagaan magaalada Beled Xaawo oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo u kuur galaya muranka ka taagan Beledxaawo oo la sheegay in ciidamada Kenya ay ka dhisayaan Darbi, waxayna kulamo la qaadan doonaan Maamulka iyo shacabka.

Gudiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa kulan uu shalay ku yeeshay Magaaladda Muqdisho waxa uu kaga hadlay arinta ku saabsan derbiga la sheegay in Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..